Golaha Guurtida oo muddo kordhin u samaysay xukuumaddda Somaliland
Source: Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online, 6 March 2017
 

 Isniin, Maarso, 06, 2017 (HOL) – Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta u kordhiyey xukuumadda sagaal bilood oo ka bilaabmaysa dhamaadka muddo xileedkooda oo ah March, 2017.

Sidoo kale waxay u kordhiyeen golaha Wakiiladda iyo guurtidda oo iyana sanado kala dambayn doono wakhtiga doorashadda loo qorsheeyey.

Kalfadhigan golaha Guurtida waxa shirgudoominayey gudoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamud Aadan, waxaana golaha usoo jeediyey inay dhagaystaan guddidii ka soo tallo bixinta mudadda ku haboon ee loo kordhin karo xukuumadda,isla markaana doorashaddu ku dhici karto.

Guddida ka soo tallo bixinta ayaa soo jeediyey in xukuumadda loo kordhiyo sagaal bilood, isla markaana doorashaddu dhacdo December, 13, 2017, waxaanay laba bilood oo qudha ku dareen wakhtigii ay saddexda xisbi, guddida doorashooyinka iyo madaxweynuhu isku afgarteen oo ahaa inay doorashaddu dhacdo OCtobar 10,2017.

 Waxanay golaha guurtiddu u codeeyeen in doorasahdda golaha Wakiiladdu qabsoonto December 13,2017, isla markaana sagaal bilood lagu daro muddo xileedka xukuumadda oo ku eegeed markii hore March,2017.

Sidoo kale waxa golaha Wakiilada Somaliland u qorsheeyeen inay doorashaddu dhacdo April, 28,2019, halka golaha deegaanka mar wada dhici doonaan, sidoo kale golaha Guuritda waxa iyaguna u qorsheeyeen inay doorashaddoodu dhacdo 28-04-2020.

Sidaasna waxa u codeeyey 74 xildhibaan oo ka mid ah 82 xildhibaan ee golaha Guurtiddu ka kooban tahay, sidaas ayaan lagu meel mariyey.

Saddexda xisbi ayaa soo dhoweeyey, inkastoo ay golaha guurtidda ku dhaliileen inay gees mareen wakhtigii ay hore iskugu afgarteen oo ay ku dareen laba bilood, haseyeeshee waxa xisbiyadda ka walaacsanaayeen in muddo kordhinta ka dhigaan laba sanno taas oo maalmihii u dambeeyey ay xisbiyaddu ka ololaynayeen in wakhti badan loo kordhiyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland.