Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay madaxda dowlad gobolleedyada
Source Hiiraan Online Axad, Janaayo, 27, 2019
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan wadatsshi ah kula qaatay xarunta madaxtooyada Puntland madaxda dowlad gobolleedyada.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni  ayaa ku martiqaaday madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad gobolleedyada kulan quraac ah oo dhinaca kale la sheegay in lagu lafaguray arrimaha siyaasada dalka gaar ahaan sidii loo hagaajin lahaa xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada.

Khudbad uu xalay ka jeediyay madaxweyne Farmaajo munaasabadii calleemo saarka hoggaanka cusub ee Puntland ayuu ka sheegay in uu diyaar u yahay hagaajinta xiriirka dowlad gobolleedyada, isaga oo dhinaciisa dalbada in la cafiyo, lagana gudbo wixii khilaaf ah ee jira.

Kulanka saakay ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland,  Koofur Galbeed, iyo Hirshabeelle, iyadoo la filayo marka uu kulanka soo  dhamaado in laga soo saaro war murtiyeed.

Madaxwynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland islamarkaana hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka sare Cabdiraxmaan Faroole oo ka qeybgalay kulanka quraacda ah ayaa khudbadiisii xalay ku dalbaday in deg deg loo dhameeyo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada dalka iyada oo la tixraacayo Dastuurka iyo Sharciga

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
Iman@hiiraan.com