Safiiro ka socda Midowga Yurub iyo Sweden oo kulan la yeeshay guddida doorashooyinka Somaliland
Source: Hiiraan Online, 2020-03-09

Isniin, Maarso, 09    2020 (HOL) –Guddida doorashooyinka Somalilland ayaa maanta kulan la yeeshay laba safiir oo ka kala socda safiirka  midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Berlanga iyo safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya Staffan Tillander oo matalayey beesha caalamka.

Kulan ayaa daarnaa sidii loo dardarin lahaa fulinta heshiishkii xisbiyadu kala saxeexdeen oo tilmaamaya in sanadkan gudihiisa qabsoonto doorashooyinkii golaha wakiilada iyo golaha deegaanka Somaliland oo muddo badan dib u dhac ku yimid.

Qobada laga wada hadlay waxa ka mid ahaa:

  1. arrimaha doorashada iyo sidii wadanka ay uga qabsoomi lahaaayeen sanadka 2020 doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo dhawr jeer soo muddo dhaafay, iyo
  2. sidii looga midho dhalin lahaa heshiiska saddex geesoodka ahaa ee ay xisbiyada qaranku ku kala saxeexdeen Madaxtooyada Somaliland 27kii February 2020.

Xubnaha waftiga ayaa tilmaamay in ay hadda kalsooni ku qabaan in dhamaan dhinacyada kala duwan ee heshiiska ku midoobay ay diyaar u yihiin hirgalinta iyo ka midha dhalinta heshiiska ka dhashay dedaaladii dhexdhexaadinta ee muddada soo socday.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu dhankiisa soo dhaweeyay heshiiskaasi qaran oo uu sheegay inuu diyaar u yahay sidii uu dhinaciisa uga fududeyn lahaa in heshiiskaasi hirgalo isla markaana doorasho ka dhacdo dalka sanadka 2020.

Sida qoraal ka soo baxay guddida doorashooyinka ayaa lagu sheegay in kulankaasi ku soo dhamaaday Is afgarad iyo in wada shaqayn joogto ah ay dhex mari doonto Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Beesha Caalamka oo ay matalayeen labada safiir.

Safiirka midowga u qaabilsan Soomaaliya ayaaa maalmahan ku sugnaa Somaliland, isla markaana mashaariic laga hirgaliyo Somaliland la kala saxeexday wasaarada Ganacsiga, wasaarada cadaalada iyo wasaarada amniga, taas oo ay maalgalin doonto midowga Yurub.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland