Wakiilka Qaramada Midoobay oo madaxweynaha Puntand usoo jeediyay in la dhameeyo khilaafka kala dhexeeya dowladda federalka
Source: Hiiraan Online, 2020-03-09
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambasaddor James Swan,  ayaa maanta Garowe kula kulmay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo golihiisa wasiiradda, wuxuuna kala xaajooday arrimo quseeya Puntland iyo tan dowladda federalka Soomaaliya.

Ambasaddor James ayaa arrimaha uu kala hadlay masuuliyiinta Puntland waxaa kamid ah, xiisadaha ka jira gobolada Sanaag iyo Sool, isagoo ku baaqay in la joojiyo colaada lana xoojiyo nabada islamarkaana la abuuro jawi isfaham.

Waxaa kale oo ay madaxweynaha Puntland ka wada hadleen, horumarka la gaaray iyo caqabadaha taagan 2020/2021, oo ay kamid yihiin gaarista qorshayaasha qaranka sida, doorashada hal qof, hal cod, arrimaha deyn cafinta, xoojinta anmniga iyo dhameystirka dastuurka kumeel gaarka ah.

“Waxaan u soo jeedinayaa Puntland inay taageerto dhammaan qorshayaashan qaranka. Waxaan saaxiibada caalamka la wadaagay sida aan uga walaacsannahay khatarta ka imaan karta khilaafka dowladda federalka iyo qaar kamid ah dowladdaha xubnaha ka ah. Sidaas daraadeed, waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah la isugu yimaado lagana heshiiyo kala aragti duwanaanshaha taagan, si horey loogu dhaqaqaaqo,” ayuu yidhi James.

James Swan, ayaa ka hadlay shirka wada tashiga ah ee Puntland, wuxuuna yidhi,” Madaxweyne Siciid Deni ayaa ii sheegay todobaadka soo socda inay qabanayaan shirka wada tashiga guud ee Puntland, shirkaas oo ahmiyad u leh Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa natiijada kasoo baxda in uu wax badan ku kordhindoono dooda federalismka iyo dastuurka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
abdiwali.sheikh@hiiraan.com