SI DEG DEG HA LOO XALOYO MURANKA DHULKA TEREBUUNKA

Dawladda Somalia waa iney si deg deg u joojisaa dagaalka maanta ka bilowday Muqdishu ee  la xiriira barakicinta shacabka dagan dhulka Tarabuunka oo laga dhaxlay dawladdii Mohamed Siyad Barre.  Tani waxay u keeneysaa dawladda Somalia dhaawac iyo magac xumo.  Shacabka degan Teribuunka waa iney si deg deg dagaalka u joojiyaan, waayo iyagay u keeneysaa magac xumo. Wakiil ka socda  shacabka dagan Tarabuunka iyo dawladdu waa iney si nabad ah OO DEG DEG AH  u xaliyaan.

Dhulka banaan ama burburay ee dawladda shacabkaa ayaa leh!!!  Waxaan aad uga naxay ”Bankigii Dhex ee Somalia” daryeel xumada ka muuqatay, mar aan booqday 2023dii.  Waxaa ku rajaweynahay in dib loo dhisi doono oo aan ganacsatada laga iibin.  Bangigaas taariikh weyn buu leeyaya, Somalia weyna u baahan tahay.