TALO SOO JEEDIN KU SOCOTA Madaxda Dalwaldda Federaalka ah iyo mucaaradka oo ay kala hogaaminayaan:

  • Mudane Hassan Sheikh
  • Mudane Sheikh Shariif  

Waa in deg deg ah loo joojiyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka socda Muqdishu.  Khalfaakan waa mid dhaawac weyn iyo magic xumo u keeni kara shacabka Somaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan dawladda federalka iyo mucaaradka.

  • Danta guud  ee shacabka waa in laga horumariyo danta shaqsiga ah.
  • Waa danbi qarah in dhulkii hantida qaran ee dawaladihii Somalia laga dhaxlay  la xaraasho oo lagana iibiyo ganacsato aan iimaan iyo dareen qaran ku jirin una naxayn dhallinyada maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Fool xumo weyn ayay ku noqon doontaa  Dawadda Federaalka oo ay hogaaminayaan Mudane Hassan Sheikh  iyo mudane Raisul Wasaare Xamza haddii dhulkii waxbarashada/hantida qaran dhallinyada maanta iyo kuwa mustaqbalka lagu badasho lacag.  Waxaan aaminsanahay in tilaabadaas shacabka Muqdishu saadaalinyaan ay noqoto mid aan waxb ka jirin!!!

Shacabka Somaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin salaan diiran, caafimaad

buuxa iyo horumar waara!!!