Source: Hiiraan Online, Mucaaradka oo ku adkeesanaya inay banaanbax nabadeed ay ku qabanayaan Muqdisho

Jimco, September 26, 2025 (HOL) – Waxaa sii kordhaya xiisadda siyaasadeed ee magaalada Muqdisho, iyadoo mucaaradka dalka ay ku adkeysanayaan in ay qaban doonaan mudaaharaad weyn maalinta Sabtida, inkasta oo dowladda federaalku ay sheegtay in mudaharaadkaasi uu yahay “sharci darro.”
______________________________________________________________________________________________________________________________________
TALO SOO JEEDIN!!!
Annigo ah Abdillahi M. Jama, Lund, Sweden, waxaan kula talinayaa madaxda Dawladda Federaalka iyo madaxda mucaaradka in si deg-deg ah miiska wadahadalka iskugu yimaadaan si loo baajiyo qalalaase siyaasadeed oo dhaawac weyn u keeni kara xasiloonida iyo amaanka shacabka Somaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdishu iyo dawladnimada Somalia.