Madaxweyne Farmaajo oo guddi u magacaabay baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faaraxlinkedin sharing button

messenger sharing button
whatsapp sharing button
email sharing button

Source: Hiiraan Online, Isniin, September, 13, 2021 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi qaran oo baaritaan ku sameeynaya kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay guddi uu guddoomiye u yahay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ku xigeena uu ka yahay Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa u magacaabay Guddi Qaran oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Soomaaliya.

Magacaabista guddigan uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ayaa waxay imaaneysa xili isla kiiskan uu guddiga baaritaanka u magaacabay ay isaga iyo Raysal wasaarahiisa isku khilaafeen, lamana oga waxa xiligaan kusoo dhaliyay in madaxweyne Farmaajo uu magacaabo guddigan sameynaya baaritaanka qaran ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com